Overblog
Edit post Follow this blog Administration + Create my blog

Dowladda Kenya oo wakhti u qabatay muwaadiniinteeda ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay u gacan haatineyso dhallinyaradeeda ka barbar dagaalameysa ururka Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan, iyadoona sheegtay in haddii aysan taasi dhicin la marsiinayo ciqaabo kala duwan oo dhinaca sharciga loo marayo.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery oo magaalada Nairobi kula hadlayay warfaafinta Dowladda ayaa sheegay in haddii dhallinyarada Kenyaatiga ah ee Al-Shabaab la safan cafis loo fidinayo haddii ay ka soo laabtaan.

"Dhallinyaradeena maskaxda laga qalday haddii ay ka soo laabtaan argagixisada Al-Shabaab waan cafineynaa, mana jirto wax dembi ah oo loo heysto" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Kenya.

Dhinaca kale Mr. Joseph Nkaissery ayaa ugu baaqay waalidiinta Kenyaatiga ah inay caruurtooda kala soo baxaan kooxaha argagixisada ah, isagoona ku booriyay inay soo diiwaan geliyaan caruurtooda Al-Shabaab la jirta.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa u qabtay muddo toban maalmood gudahood ah inay heystaan dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan ee dalka Kenya ka soo jeeda, isagoona ku hanjabay in haddii mudadaasi ay isku soo dhiibi waayaan ay dowladdu tallaabooyin culculus u qaadi doonto dhallinyaradaasi.

Tag(s) : #Wararka
Share this post
Repost0
To be informed of the latest articles, subscribe: