Overblog
Edit post Follow this blog Administration + Create my blog

Wafdi Xildhibaano ah oo la kkulmay shacabka magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa gaaray dhowaan wafdi isugu jira XIldhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada ee ku sugan magaalada Jowhar.



Wafdiga ka socda Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Ismaaciil Macallim Muuse iyo xubno kale.

Kulan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Sh/dhex eee magaalada Jowhar ayaa waxay Xildhibaanada kula kulmeen waxgaradka, odayaasha dhaqanka, haweenka, aqoonyahanada iyo dhallinyarada gobolka Sh/dhexe, iyagoona ka wadahadlay sidii gobolka uu ula jaan qaadi lahaa hannaanka maamul goboleedyada federaaliga ah ee dalka laga hirgelinayo.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xiddig ayaa sheegay in iyagu ay u yimaadeen sidii bulshada gobolka Sh/dhexe ay aragtiyahooda iyo rabitaankooda uga dhiiban lahaa sameynta maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallim Muuse oo isna halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay dadka ka soo jeeda gobolka ay sameystaan maamul goboleed ay iyagu leeyihiin asaaskiisa, isla markaana dhinacooda ay ku garab taagan yihiin wixii talo iyo tusaale oo ay uga baahan yihiin.

Tag(s) : #Wararka
Share this post
Repost0
To be informed of the latest articles, subscribe: